Ethopian Airlines oo soo saartay baaq ka dhan ah Diyaaradaha Boeing 737 Max 8

Warbaahinta caalamka ayaa wali hadal heysa shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalka itoobiya ay ku dhinteen dad gaaraya 157-qof, shilkan ayaana sababay in wadamo badan laga mamnuuco isticmaalka nuuca diyaaradii bur burtay ee Boeing 737 Max 8.

Maamulaha shirkada Ethopian Airlines Tewolde Gebremariam ayaa ugu baaqay wadamada caalamka in ay joojiyaan isticmaalka diyaaradaha Boeing 737 Max 8 inta laga hubinayo in lagu aamini karo nolosha dadka.

Tewolde Gebremariam ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano lagu xaqiijinayo waxa sababay shilkii ku dhacay Diyaarada Ethopian Airlines , waxa uuna xusay in aan wali la cadeyn waxa dhaliyay shilka dadka badan ku dhinteen.

Maamulaha ayaa sheegay in sababta keentay burburka diyaarada ay weli u baahan tahay in la hubiyo, waxa uuna xusay in uu rumeysan yahay in nooca diyaaradan oo dhan la fadhiisiyo maadaama shilku la mid yahay kii diyaarada Lion Air ee ka dhacay Indonesia.

Wadamo iyo sharkado badan oo diyaaradeed ayaa joojiyay isticmaalka diyaaradaha Boeing 737 Max 8, bur burka Diyaaradii Ethopian Airlines oo nuuceedu ahaa Boeing 737 Max 8 ayaana noqoneysa tii labaad oo bilo gudahood dhacda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -